25 C
Mogadishu
Tuesday, January 20, 2026

Jawaari, Muudeey iyo Cawad oo la kulmay gudiga doorashooyinka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada muqdisho ayaa sheegaya in kulan gaar ah uu ka socdo VIlla Hargeysa.

Kulanka ayaa wuxuu u dhaxeeyaa guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheikh Cismaan jawaari iyo labadiisa ku xigeen oo dhinac ah iyo gudiga doorashooyinka.

Kulankaasi ayaa waxaa looga hadlayaa doorashooyinka aqalka hoose iyo aqalka sare ee kusoo qabsoomay caasimadaha maamul goboleedyada.

Sidoo kale waxaa looga hadlayaa doorashada madaxweynaha Soomaaliya iyo qaabkii loo qaban lahaa.

Sida ilo xog ogaal ah inoo xaqiijiyeen kulanka ayaa aad loogu falanqeynayaa doorashada guddoonka aqalka sare iyo madaxweynaha dalka.

Laakiin waxa ajirta inaysan dhameystirneyn xildhibaanada aqalka sare iyo xildhibaanada golaha shacabka.

La soco waxii kusoo kordhaa insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News