Beesha caalamka oo digniin kama danbeys ah siisay Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa ku goodisay inay jari doonto xiriirka kala dhexeeya maamulka Somaliland, kadib markii lagu eedeeyay in Hogaanka Sare ee maamulka uu doonaayo in mar kale dib loo dhigo doorashada dhicitaankeeda la iclaamiyay bisha March 28-da ee sannadkan.

Diplumaasiyiin kasoo kala jeeda dalalka Britain iyo Denmark oo kulan dhowr saac qaatay la yeeshay Hogaamiyaha maamulka iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ka digay in mar kale doorashada laga dib dhigo xiligeeda.

Diplumaasiyiintaani waxa ay mas’uuliyiinta maamulka u sheegen in Beesha Caalamku ay go’aan cad ka gaari doonto xiriir wanaaga kala dhexeeya Somaliland.

Waxa ay Mas’uuliyiinta maamulka u bidhaamiyeen dhibaatada ka dhalankarta dib u dhaca Doorashada, waxa ayna cod dheer ku sheegen inaanu mas’uul ka noqon doonin wixii halkaasi ka dhaca.

Hogaamiye Axmed Siilaanyo ayey sidoo kale u sheegen in Beesha Caalamka aysan bixin doonin fursad danbe isla markaana ay ka go’an tahay inay ka dhabeeyan fariintooda, waa haddii mar kale la dib dhigo Doorashada.

Geesta kale, Axmed Siilaanyo ayaa ballanqaaday in Doorashada Somaliland aysan dhaafi doonin bisha March 28-da ee sannadkan, waxa uuna sidoo kale Diplumaasiyiinta ka dalbaday inay soo dhameystiraan dhaqaalaha ku harsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com