31.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Boosaaso ma geydo sida loo maamulayo (Maxaa kaa qarsoon?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Waxaan jeclahay halkan inaan ku soo gudbiyo daraasad yar oo aan ku samayey nolosha magaalada Boosaaso, taas oo aan ka soo uruuriye shacabka guud ahaan iyo indhaygu waxa ay arkeen, isla markaasna, iila muuqan weydey in aan ka aamuso, aniga oo jeclaystay inaan wixii talo gelyo ah aan soo gudbiyo inta aan iska aamusi lahaa.

Waa iga TALO iyo in khaladka la saxo.

Igama aha xumaan, kicin, isku dir, qof nacayb, qabiil nacayb iyo abuurid AMNI xumo.

Inkasta oo SOOMAALIDU runta xaqa ah inta badan neceb yihiin inshaa Allah waan aragti hadlayaa.

BOOSAASO

Shacabka reer Puntland gaar ahaan shacabka reer Boosaaso waa dad nabad jecel una hoggaansama awaamirta maamulkooda.

Caasimadda ganacsiga Puntland waa magaalada Boosaaso, waana magaalada ugu weyn magaalooyinka Puntland, isla mar ahaanaataa, waa magaalada 3aad ee Soomaaliya xagga baaxadda iyo ganacsiga marka laga soo tago magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.

Boosaaso waxaan joogey ama imanayey inta badan cimrigeyga, waxey ahayd magaalo amnaan ah oo amnigeedu sugan yahay, bilicdeeda iyo nadaafadeeda laga shaqayo lana ilaaliyo waxaase waayadan damme moodaa iney noqotay meel aan ehel iyo cid u naxda lahayn.

Laga soo bilaabo 1991 bur burkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya iyo dagaaladii sokeeye ka dib oo reer Puntland iyo Soomaali nabad iyo miciin soo biday magaalada Boosaaso ay u soo haajireen, waxaa lagu wada shaah cabbaa ama jirtaba in nidaamkii magaalada faraha ka baxday.

XAGGA AMNIGA

Wey wanaagsan tahay in amniga magaalada la sugo lana ilaaliyo, hase yeeshee, ma aha sida loo maamulayo mana aha:

-In magaalada lagu soo daayo askar hubeysan oo isku direys(lebbis) ah, iyadoo aan la kala garan karin askariga BOOLISKA ah, kan DAWLADDA HOOSE, kan DARAWIISHATA ah, ka Ciidanka BADDA ah iyo kan Argagixiso la dirirka ah, dhammaantoodna wey hubeysan yihiin waxa ayna u dhaqmaan sidii ciidan furin dagaal jooga iyo in ay shacabka argagax geliyaan.

-In gaadiidka dagaalka oo hubeysan(waa gaadiidka hubeysan ee loogu tala galay in cadow lagula dagaal galo) waddooyinka magaalada la soo dhoobo taas oo sii fogeyneysa saaxiibtinimada ciidanka nabad geliyada iyo shacabka.

-In mas’uul kasta guriga uu magaalada ka deggan yahay uu waddooyinka soo galo xirto halkaasna ay dhibaato xorriyad iyo Amni xumo ay ku keento shacabka iyo gaadiidka muwaadiniinta isticmaala waddooyinkaas iyo gaar ahaan dadka mas’uulkaasi deriska la yahay, waxaa kaloo taasi ay caddayn u tahay in Mas’uulkaasi aanu cidna kala jecleyn naftiisa ma ahee.

-In taliyaha qaybta booliska ee gobolka bari uu xafiiskiisa ku dhex yaal xarunta uu xirto waddada ugu muhiimsan magaalada Boosaaso taasi oo ciriir gelisey isu socodka gaadiidka ee magaalada dhib weyna ku haysa xorriyadda muwaadiniinta reer Puntland gaar ahaan reer Boosaaso.

-In ciidanka iyo ilaalada Mas’uuliyiintu waddooyinka magaalada ku maraan xoog iyo argagax gelinta muwaadiniinta iyagoo mararka qaarkood dhib u geysta dhibbanayaal.

-In ay adag tahay in ciidamadu aaney dhex geli karin shacabka wada shaqayna la wadaagi karin maadaama muwaadinka toosan iyo denbiiluhu ay si isku mid ah uga baqaan ugana cararaan askariga hubaysan iyo gaadiidka dagaalka.

TALO SOO JEEDIN

Waxaan aaminsanahay in xilliggan lagu jiro ay waajib tahay in xoogga la saaro suggidda amniga Puntland goob kasta iyo guri kasta maadaa ay duullaan ku yihiin in badan oo diidan nabadda iyo nolosha ALLAH SWT ku mannaystay ummadda reer Puntland sida Argagixisada iyo kuwa nabad diidka ah ee degaan iyo dhalashaba aan wadaagno, sidaa darteed, waxaan soo jeedineynaa:

-In madaxda sare ee Puntland ay soo fara geliyaan habka loo sugayo AMNIGA magaalada Boosaaso.

-In guddoomiyaha gobolka Bari uu qaato awoodda maamul iyo AMNIGA magaalada Boosaaso isla mar ahaantaasna aanu ku hallayn taliyayaasha ciidamada kala duwan iyo ilaalada Mas’uuliyiinta ee isku dhex milmay.

-In ciidanka nabadda sugaya laga dhigo DHAR CAD ku hubeysan hub fudud iyo qalabkii loo adeegsan lahaa qabashada EEDEYSANAHA.

-In Mas’uuliyiintu og yihiin masuuliyadda saaran iyo cidda ay xilka u hayaan xuquuqdooda.

-In laga daayo magaalada cabburinta xad dhaafka ee xorriyadda shacabka iyo ganacsiga wax yeeleyn karta.

-In masuuliyadda saaran guddiga nabadda magaalada Boosaaso ay sida saxda ah ee xilka loogu dhiibay u fuliyaan , gaar ahaan, guddoomiyaha gobolka Bari iyo Duqa degmada Boosaaso iyadoo khaladaadka ciidamada iyo taliyayaashooda ee shacabku dhibsanayo ay maareeyaan sidey u xallin lahaayeen waayo guddoomiyaha gobolka Bari ayaa masuuliyadda ugu weyn ee magaalada Boosaaso dusha ka saaran tahay, isla markaasna, ALLAH SWT maalinta qiyaame kula xisaabtamayaa.

BILICDA IYO NADAAFADDA MAGAALADA BOOSAASO

Magaalada Boosaaso waxa ay si xawli ah u kortay 20kii sano ee la soo dhaafay, waxaana u soo shaqo iyo ganacsi tegey Soomaali oo reer kasta leh, hase yeeshee, mar walba maamulka magaalada waxaa gacanta ku hayey dad dhalasho ahaan ka soo jeeda shacabka reer Puntland.

Nasiib darro waxaan ogsoonahay inaan magaalada Boosaaso aan si xilkasnimo iyo caddaaladi ku jirto aan loogu hagar bixin ka shaqaynta bilicda iyo nadaafadda magaalada.

Magaalada Boosaaso 1998 asaaskii dawlada Puntland waxaa soo maray oo DUQ magaalo soo qabtay 16 masuul uuna ugu horreyey AUN Axmad Saciid Guray uuna ugu dammeyo Eng. Yaasiin Mire.

-Boosaaso waa magaalo aad u weyn kana liidata xagga waddooyinka gaadiidku maro iyo dadka oo aan haysan waddooyin u gaar ah.

-Waa Magaalada ay ku nool yihiin dadkaas tirada badan ee 1ka milyan ku dhow aaney haysan waddooyin ay maraan, mararka qaarkoo waxa aad is weydiineysaa:Haddii waddooyinka gaadiidku maro loo asteeye, mulkiilayaashii guryaha lahaana uu qof walba gurigiisa hortiisa kaabado dhaadheer ka dhistay, inta bannaan oo hartay baabuur dhigato (parking) xaggee dadka loogu tala galay oo ay marayaan? Macnaha waa ma jirto waddo dadku maraan oo kaga badbaadaan baabuurta (Pavement).

-Waa magaalo nadaafad ahaan aad u liidada meel kasta oo aad marto waxaa daadsan qashin iyo biyaha wasakhda ah oo waddooyinka lagu shubo ama laami ha ahaato ama ciid bannaan, waxaadna mooddaa in dadka magaalada ku nool ay ku tartamaan sidii KUDDAAFAD looga dhigi lahaa magaalada.

Waxaa masuuliyaddaas iska leh dawladda hoose ee magaalada Boosaaso gaar ahaan waaxda arrimaha bulshada khaasatan kooxda nadaafadda iyo fayo dhawrka.

TALO SOO JEEDIN

NADAAFADDA

-Waa in waaxda arrimaha bulshada ee dawladda hoose ay xilkeeda shaqo gudataa gacac bir ahna ku qabtaan dadka waxyeelayna caafimaadka bulshada sida:

  1. A) In goob kasta oo ganacsi aan ruqsadda ganacsi la siin ilaa ay fuliyaan sharciga FAYO DHAWRKA sida in musqul ay yeelato, bullaacad biyood qotaan iyo qashinka meel ay ku kaydiyaan ka dibna dawladda hoose ay lacag la’aan kaga qaadaan maadaama ay cashuur bixiyaan.

B)In goob kasta ee ganacsi ama degaan ay masuuliyad ka saaran tahay in hortooda, hareerahooda iyo gadaashooda ay nadiifiyaan.

C)In dawladda hoose ay qaadato masuuliyadda kormeerka, kantroolka, qashin qaadka iyo guud ahaan ilaalinta FAYO DHAWRKA magaalada.

D)In la hawl geliyo ciidamada dawladda hoose ee Boosaaso si ay hawlahooda nadaafadeed u gutaan laakiin aaney u shaqo gelin oo keliya marka cashuurta la soo ururinayo.

BILICDA MAGAALADA

-Boosaaso bilicdeedu waa dhiman tahay waxa ayse ku xiran tahay hadba sida dhaqaalaha ay dhasho loogu huro.

-Shacabka magaalada Boosaaso waa dadaaleen gaar ahaan ganasatada qaarkood, iyagoo dhisay guryo bilic san, hase yeeshee, hortooda iyo hareerahooda ay wasakh iyo siiga badani taal taasna waxaan oran karnaa waa masuuliyaddii maamulka.

Waxaan talo ahaan ugu soo jeedinaya in wada shaqayn ay dhex marto dawladda hoose iyo ganacsatada waaweyn ee kor u qaadi kara bilicda magaalada.

-Magaalada hab dhismeedkeedu ma wanaagsana waayo intii bur burkii dawladdii dhexe ee soomaaliya ka dammeysey ayaa dadku si sharci darro ah meel walba iska dhisteen, in maamulku wax ka qabtona arrinkaasi waxa uu u baahan yahay dhaqaale fara badan.

Waxaan u soo jeedinayaa golaha degaanka ee hadda shaqaya in ay xil dheeriya iska saaraan samaynta hab dhismeedka magaalada intii karaankooda ah.

Wixii aan khalday ama ku gafay waxaan ka bixinayaan raalli gelin. WABBILLAAHI TAWFIIQ. Mahadsanidin.

W/Q: Omar Cidlowcarar
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News