30.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Sidee ciidanka ku hanan karaan amniga loogana maarmi karaa AMISOM?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa ruux walbaa oo Soomaali ah ka dharagsan yahay awoodii Soomaaliya ay ku laheyd wamada Africa iyo halka maanta ay joogto.

Dhibaatada ugu daran ee Soomaaliya ka legtay waa cadaalad daro, Musuq iyo ciidan la’aan.

Wadamada AMISOM ku bahoobay ee ka howlgala Soomaaliya waxay eeganayaan dantooda oo sooma celin karaan kartidii iyo awoodii Soomaaliya ee xaga ciidan inay hoos usii dhigaan mooyee.

Waxaa marar badan la isku dayay in la dhisaa ciidan tayaysan oo hanan kara amaanka guud ahaa ee dalka Soomaaliya, balse wadamada deriska ayaa hortaagan arintaasi.

Marka kaliya ee loosoo dhawaadan in la midooyo ciidamada qaranka ayaa aheyd markii lagu dhawaaqay qorshihii “Isku Dhafka Ciidanka”, walow maalmo kaliya la hadal hayay qorshahaasi.

Waxaana muuqaneysa inaysan waxyaabo badan ka dhaqan gelin qorshahaasi, maadaama dhaqaalaha ciidanka ku baxaya ay bixinayaan wadamada cadowga ku ah Soomaaliya.

Dhibaatada kale ee heysata ciidamada qaranka Soomaaliya ayaa ah inay heystaa tababaro kala duwan oo ay siiyeen dalal kala duwan, taasi oo isku dhaqan iyo garaad aan ka dhigeynin ciidamada Qaranka SOomaaliya.

Taliska AMISOM ayaa cadeeyay in haddii ciidamada dowladda Soomaaliya ay helaan tababaro dheeraad ah ay hanan karaan amaanka guud ahaan ee dalka.

Waxaa kale oo loo baahan yahay qalab dhameystiran iyo mushaar joogto ah oo ay helaan ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Hadda AMISOM ayaa dooneysa sagaal kun oo askari dheeraad ah kuwaasi oo badalaya ciidamada Burundi ee baxaya, laakiin Francisco Madeira ayaa sheegay in 20 kun ciidamo Soomaali ah loo baahan yahay si amaanka dalka ula wareegaan.

Ciidamada AMISOM ayaa laga maarmi doonaa, madaxda dalka ay ka fakaraan inaysan ku tashan ciidamada AMISOM oo ay dhisaan ciidan xoogan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News