Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsanaa Baarlamaankii hore ee Somalia ayaa ku baaqay in Baarlamaanka cusub uu dib u eego howlihii qabyada u ahaa Baarlamaanka dhacay.
Maxamed Cumar Maxamuud oo ka mid ahaa Baarlamaankii Sagaalad ayaa sheegay in Baarlamaankii hore uu qabyeeyay howlo dhowr ah oo ahmiyad u ah dalka.
Xildhibaan Maxamed Cumar, waxa uu sheegay in kala bar howlahaasi ay ahaayen kuwo ku saleysnaa dardar galinta Amniga iyo Xasiloonida dalka, isla markaana loo baahan yahay inaan laga gudbin oo la dhameystiro dhammaan howlahaasi.
Xildhibaan Nadiifo Maxamed Cusmaan oo iyana ka mid ahayd xildhibaanada Baarlamaankii Sagaalad ayaa sheegtay in shuruucyihii ay qabyeeyeen Baarlamaankii hore ay lagama maarmaan tahay in la buuxiyo wixii ka harsanaa.
Xildhibaan Nadiifo, waxa ay tilmaantay in howlaha wakhtiga loo waayay ay ka muhiimsan yihiin howlaha iminka la horkeeni doono Baarlamaanka cusub.
Xildhibaan Nadiifo, waxa ay carab dhawday in waxyaabaha lagu xasuusan doono Baarlamaankii hore ay kamid noqon doonto keenista Mooshinada, waxa ayna Xildhibaanada cadeysay in Baarlamaankii hore uu wakhtiga ku lumiyay Mooshin iyo iska dabawareeg.
Waxa ay Xildhibaan Nadiifo tusaale usoo qaadatay Mooshinadii ay xilka ku waayen labo Ra’isul Wasaare oo kala ahaa Cabdi Faarax Shirdoon ”Saacid” iyo C/wali Sheekh Axmed Maxamed, kuwaas oo loo diiday in ay hortagaan Baarlamaanka.
Sidoo kale, waxa ay Xildhibaanadu wax ka taataabatay awoodaha xildhibaanada G/Shacabka iyo kuwa Aqalka Sare ay kala leeyihiin, waxaana ay sheegtay in aysan jirin awood qeexan oo labada dhinac ay leeyihiin, iyada oo kaga digtay in dhexdooda uu khilaaf uu ka dhex yimaado oo ay ka shaqeeyaan danta ummada Soomaaliyeed.
Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud iyo Xildhibaan Nadiifo, ayaa ka digay in Xildhibaanada labada Aqal ay sameeyan xadgudub dhanka shaqada ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

