Muqdisho (Caasimada Online) – Sawir Gacmeedkaani ayaa waxaa lagu cabiray rabitaanka Siyaasadeed ee Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia, kuwaa oo u hanqal taagaya inay qabtaan xilka Wasiirnimo ee xukuumada Somalia.
Xildhibaanadaani oo siyaabo kala duwan ula hadlay Wariye lagu miisaaliyay Sawirka ayaa waxa ay sheegen inay soo kala qabteen shaqooyin kala duwan iminka ay u baahan yihiin in loo dhiibo xilka la xiriira shaqooyinkaasi.
Mid kamid ah Xildhibaanada waxa uu sheegay inuu doonaayo Wasaarada Caafimaadka, maadaama uu kasoo shaqeeyay Farmashi.
Xildhibaanka labaad waxa uu tilmaamay inuu lahaa Dukaan dharka lagu iibiyo, sidaa darteedna uu yahay Xildhibaan u qalma in loo dhiibo Wasaarada Ganacsiga.
Xildhibaanka Seddexaad ayaa isna ku dooday in muddo 10 sano ah uu ka shaqeynaayay Xawaalad, sidaa aawgeedna uu u baahan yahay inuu noqdo Wasiirka Maaliyada Xukuumada cusub ee Somalia.
Sawir Gacmeedkaani waxa uu ifinayaa in Xukuumada Somalia aysan Wasiirada u eegin waxa uu soo bartay, balse ay eegto kaliya waxa uu Xildhibaanku ku taamaayo inuu ka qabto Xukuumada.


