25.3 C
Mogadishu
Wednesday, January 14, 2026

Xildhibaanada baarlamanka cusub oo wada qorshe cusub oo yaab leh

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa waddo sanadkaan qorshe cusub oo ay doonayaan inay ku dheereeyaan waqtiga baarlamaanka shaqeynayo.

Ilo xog ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in xildhibaanada ay doonayaan in wax ka badal ay ku sameeyaan dastuurka dalka oo dhigaya in muddo xileedka baarlamaanka uu yahay afar sano.

Xildhibaanada qaar oo aan la hadalnay ayaa sheegay in muddo shan sano ay doonayaan inay ka dhigaan waqtiga baarlamaanka shaqeynayo.

Ujeedada ay ka leeyihiin ayaa xildhibaanada qaar waxay inoogu sheegeen inaysan dooneyn in baarlamaanka iyo xukuumada hal mar isla dhacaan oo dalka nidaam la’aan uu noqdaa.

Balse sanadka dheeriga ah xildhibaanada ay ka shaqeyn doonaan doorashada xigeysa, iyo in hogaanka cusub ee imaanaya inay sii hagaan muddada sanadka ah.

Waa fikrad cusub oo xildhibaanada dhexdooda ay wadaan, waxaase baarlamaanka horyaala sharciyo howlo kale oo badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News