Muqdisho (Caasimada Online) – Qorshe muddo soo socday oo ay beesha Daarood ku dooneysay jagada guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya ayaa fashil ku dhammaaday, sida ay ilo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.
Warar aan ka helnay ilo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegaya in beesha caalamka iyo dowladda isku raaceen in xilkaas la siiyo beesha Dir, si loo joogteeyo miisaanka awood qeybsiga Soomaaliya ee ku dhisan 4.5
Qorshahan oo markiisii hore uu waday maamulka Puntland ayaa la doonayey in Cabdirisaaq Jurile looga dhigay guddoomiyaha Aqalka Sare, waxaase hadda muuqata inuu ku dhammaaday fashil, maadaama ay diideen qaar ka mid ah maamul goboleedyada, beesha caalamka iyo dowladda federaalka.
Beesha Daarood ayaa waxay ay dowladda Soomaaliya ku leedahay xilalka madaxweyne ama ra’iisul wasaare oo ay la qeybsato beesha Hawiye, ayada oo beesha Digil iyo Mirifle ay qaadatay guddoomiyaha Aqalka Hoose, sidaa darteed ayaa beesha Dir lagu siiyey guddoomiyaha Aqalka Sare, si afarta xi lee ugu sarreysa dalka loo wadaago.
Puntland ayaa markii hore ku dooday in maadaama Somaliland ay sheegtay inay ka go’day Soomaaliya, beelaha Dir-na aysan inta badan deign Koonfurta Somalia, jagadaas la siiyo beesha Daarood inta Somaliland kusoo laabaneyso Soomaaliya, balse qorshahaas ayaa waxaa diiday beesha caalamka.
Beelaha Hawiye iyo Daarood ayaa waxaa hadda la go’aamiyey inay ku loolamaan guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

