Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee la filayo in Soomaaliya loo xulo ayaa laga cabsi qabaa in beesha caalamka aysan aqoonsan, haddii hanjabaad kasoo yeertay Michael Keating laga dhabeeyo.
Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa uga digay musharrixiinta madaxweynaha ee ka qayb-galaya doorashada dhawaan ka dhacaysa dalka inay musuq maasuq ku kacaan.
Qoraal uu ku saxiixna wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating oo loo diray dhamman musharrixiinta madaxweynaha u tartamaya ayaa loo sheegay in la doonayo dalka inuu helo madaxweyne soo celinaya sumcadda Soomaaliya.
Qoraalka Keating ayaa yimid markii beesha caalamka ay soo gaareen caddeymo muujinaya in musharaxiinta ay lacag madaxdiid ah u yaboohayaan xildhibaanada si ay codkooda u siiyaan.
Qoraalka Keating ayaa waxaa looga digay musharrixiinta madaxweynaha inay isku dayaan inay codadka iibsadaan, taasi oo haddii ay dhacdo Qaramada Midoobay ay sheegtay inaan la aqoonsan doonin dowladda.
Waa ay caddahay in madaxweynaha Soomaaliya ee imanaya midkuu doonaba ha ahaadee uu lacag ku iibsan doono codadka, waxaase caddeyn in QM ay ka dhabeyn karto hanjaabadd ay soo jeedisay.
Haddii QM ay ka dhabeyso hanjaabaddan, Soomaaliya ayaa yeelan karta madaxweyne beesha caalamka aysan aqoonsan, taasi oo hoggaamin karta afar sano oo waqti lumay ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

