Muqdisho (Caasimada Online) – Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in beesha caalamka ay guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Cusmaan Jawaari maanta ugu yeertay sii hayaha xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Jawaari oo maalmahanba kulamo la lahaa wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa sidoo kale maanta mar kale la kulmay, waxaana ay ka wada-hadleen arrimaha doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.
Ilo-wareedyo ku sugnaa kulankii maanta oo Caasimada Online la hadlay ayaa xaqiijiyey in wakiilada beesha caalamka oo uu ku jiro Michael Keating ay marar badan Jawaari ugu yeereen “Mr. Acting President” ama “Mudane madaxweynaha KMG”, intii uu socday kulankii maanta.
Illaa iyo hadda lama yaqaan sababta beesha caalamka maanta ay Jawaari ugu yeertay madaxweynaha KMG ah ee Soomaaliya. Waxana sidoo kale la ogeyn inay beesha caalamka ay Jawaari hadda u haysato madaxweynaha Soomaaliya iyo in kale.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo waqtigiisu ku ekaa 10-kii September 2016, balse xilka sii haya inta madaxweyne kale laga dooranayo ayaa marar badan beesha caalamka la kulmay, ayada oo ula dhaqmeysay inuu yahay madaxweynaha dalka, mana jirin wax astaan ah oo muujinaya in taas ay wax iska beddeleen.
Si kastaba, waxaa suurta-gal ah in doorashada Jawaari ee guddoomiyaha baarlamanka ay wax ka beddeshay mowqifkii hore ee beesha caalamka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

