30.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Sawirro: Itoobiyaan gargaar ka qeybiyay Jubbada Hoose

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada ka socda dalka Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa gargaar cunto ah ugu deeqay dadka reer miyiga ah ee ku nool tuulada Goobweyn ee gobolka Jubbada Hoose.

Soomaaliya ayaa waxaa xiligaan ka jirta abaar iyo macluul, wax soo saarkii beeraha iyo xoolahana saameyn ku yeeshay, iyadoo dhibaatooyinkaasi ay saameysay guud ahaan gobolada dalka.

Ciidamada AMISOM ayaa maalmahaan goobaha ay ku sugan yihiin dadka ku nool ugu deeqayay sahay cunto iyo daawooyin isugu jira.

Qaramada Midoobay ayaa digniin ay soo saartay ku sheegtay in macluusha ka jirta Soomaaliya ay saameyn doonto malaayiin qof haddii aan laga gaarin wax ka qabashada abaarta Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News