27.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Shariif Sheekh Axmed: “Uganda iyo Kenya waa laga been sheegay”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay Doorashada heerka Madaxweyne ee dhawaan lagu wado inay ka dhacdo dalka Somalia.

Sheekh Shariif oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho kadib markii uu shalay dalka dib ugu soo laabtay, ayaa sheegay in dadka badi ay aaminsan yihiin in ololihiisa ay qeyb ka yihiin dowladaha Uganda iyo Kenya ee dalka Soomaaliya ay ciidamda ka joogaan.

“‘Uganda waan deganahay carruur ayaana ii joogta ,Kenyana waa waddo aan isticmaalo inaan Uganda tago, marka haddii ay arrintu sidaas tahay micnuhu maaha inay i taageeraan” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

“Waxaan xaqiijinayaa in labadaasi dowladood aysan wax garab ah ku laheyn arrimaha ololaheyga markii laga soo tago deegnaanshiyaha” ayuu isku difaacay Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif waxa uu sheegay inaanu jirin dowlad gaara oo taageero ku bixineysa in madaxweyne loo doorto, waxa uuna sheegay inay ka go’an tahay inuu noqdo Madaxweynaha bedeli doona Xasan Sheekh, isaga oo sheegay inuu arrintaas ku kalsoon yahay 100%.

Shariifka ayaa sheegay in xaqiiq tahay inay jiraan dowlado si gaar ah faragalin ugu haya arrimaha doorashada Soomaaliya, hase yeeshee waxa uu ka gaabsaday inuu carabaabo dowladahaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News