27.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Imisa musharax ayaa isku diiwaan galisay guddoonka Aqalka Sare?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta Aqalka Sare lagu soo afmeeray diiwaangalinta Musharaxiinta dooneysa inay qabtaan Guddoonka Aqalka Sare.

Guddiga Doorashooyinka Guddoonka Aqalka Sare, ayaa goordhow warbaahinta gudaha u sheegay in lasoo afmeeray diiwaangalinta Musharaxiinta, waxa ayna tilmaameen in Musharaxiinta ay u diyaar garoobayaan Doorashada.

Guddiga ayaa sheegay in Seddexdii maalin ee lasoo dhaafay la diiwaangaliyay Musharaxiin dhan 16 kuwaa oo u taagan qabashada xilka.

Guddiga waxa uu intaa raaciyay in Musharaxiinta is diiwaangalisay looga baahan yahay inya la imaadaan codad ku filan si loogu kala haro doorashada.

Guddigu waxa uu sidoo kale, tilmaamay in Musharaxiinta ay heystaan muddo laba maalin ah maadaama xiliga lagu ballamay Doorashadu ay tahay mid fooda nagu soo heysa.

Qaban qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka ayaa waxaa loo xilsaaray Lix Musharax oo lagala xaajoonaayo arrimaha ku xeeran Doorashada Guddoonka Aqalka Sare.

Geesta kale, Guddiga ayaa xaqiijiyay in Musharaxiinta Khudbadaha laga dhageysan doono maalinta Sebtida ah ee foodanagu soo heysa, halka 22-ka Bishan ay dhaceyso Doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News