Muqdisho (Caasimada Online) – Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale, ayaa digniin kasoo saaray in Madaxda kasii dageysa xilka ay horay ula baxaan Hantida Qaranka.
Hanti Dhowraha Guud, ayaa sheegay in dalka uu ku jiro xili kala guur ah, isla markaana loo baahan yahay in Madaxda dalka ay ilaaliyaan Hantida Qaranka oo iminka ku jirta Gacantooda.
Hanti Dhowraha Guud Dr. Nuur Faarax Jimcaale, waxa uu sheegay in Musharax waliba oo iminka u taagan qabashada xilka qaran ee xilka ka haya Dowlada uu si gaara u ilaaliyo Hantida Qaranka.
Waxa uu sheegay in dhammaan Madaxda Qaranka kuwa xilka haya iyo kuwa waayayba laga xisaabin doono Hantida uu Qaranka ku amaaneeyay, waxa uuna meesha ka saaray inay dhicikarto Mas’uul la baxsada Hantida Qaranka.
”Waxaan u xaqiijinaynaa Shacabka Soomaaliyeed inaysan jirin Hanti Qaranku uu leeyay oo la boobayo xiligaan dalku uu ku jiro kala guurka, waxaan lee nahay xafiis gaar ah oo arrimahaasi si dhow ula socda.”
Dhinaca kale, waxa uu ka digay in Madaxda xilka kasii dageysa ay boobaan Hantida Shacabka, waxa uuna ballanqaaday in Mas’uul waliba ay la xisaabtami doonaan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

