Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kooxda Daacish ay qabsadeen sagaal ruux oo kusii jeeday magaalada Boosaaso.
Kooxda Daacish ayaa dadkaan kala degtay gaari ay saarnaayeen kadib markii ay wadada u galeen dadka gaariga saarnaa, waxayna kala sooc ay dadka ku sameeyeen kadib sagaal ruux ay kala dageen gaariga.
Shan ka mid ah askarta Puntland ayaa la sheegay inay sagaalka ruux kamid ahaayeen, balse ay ka carareen kooxdii gacanta ku dhigtay, iyaga oo gaaray degmada Qandala ee gobolka Bari.
Ilaa iyo hadda waxaa nolol iyo geeri lagu weysan yahay afar ruux oo kooxda gaariga ay kala degtay, waxaana la sheegayaa inay ka kaxeysteen goobtii ay gaariga kagala dageen.
Afarta ruux waxaa ka mid ah oday waayeel ah.
Nin ka mid ah kooxdii hubeysneyd ayaa soo jeediyay in la laayo dadkan oo mudo 7 saac ah ay gacanta ku hayeen, waxaana intaasi kadib baxsatay 5 nin oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen Ciidanka Puntland.
Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

