Xiisadda Turkey iyo EU oo gaartay in Turkiga ku hanjabo arrin halis ah

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa ku hanjabtay inay ka bixi doonto heshiis ay la gashay Midowga Yurub oo ku saabsan in dib loogu soo celiyo muhaajiriinta dalkaas uga gudba dalka Greece.

Saraakiisha Turkiga ayaan ku faraxsaneyn go’aanka maxkamadda sare ee Greece ay ku diiday in dalka Turkiga loo soo masaafuriyo sideed askari oo dalka Greece u cararay kadib afgambigii dhicisoobay ee Turkiga ka dhacay bishii July.

Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa xukunka maxkamadda ku qeexay “Go’aan siyaasadeed”, wuxuuna dalbday in raggaas dib loo maxkamadeeyo.

Afhayeen u hadashay Midowga Yurub ayaa sheegtay inay ku kalsoon tahay in heshiiska labada dhinac ee muhaajiriinta la xiriira uu sii jiri doono.

Sideedda askari ayaa Turkiga waxay ku eedeeyeen inay kaalin muuqata ka qaateen isku daygii afgambi, ayna sidoo kale xiriir la leeyihiin koox isku dayday inay khaarijiso madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan, habeenkii afgambiga.

Hase yeeshee askarta, oo ay ku jiraan saraakiil sare, ayaa beeniyey inay ku lug leeyihiin afgambiga, waxayna sheegeen inay noloshooda u baqayaan haddii Turkiga loo masaafuriyo.

Go’aanka maxakamadda Greece ayaa lagu saleeyey in raggaas aysan heli doonin maxkamadeyn caddaalad ah haddii Turkiga loo masaafuriyo.

Mr. Cavusoglu ayaa sideedda nin ku sheegay “khaa’inul wadaniyiin”.

“Waxaan dalbaneynaa in sideedda askari dib loo maxkamadeeyo” ayuu Mevlut Cavusoglu u sheegay taleefishinka Turkiga ee TRT.

Heshiiska Turkiga iyo Midowga Yurub oo dhaqangalay bishii March ee 2016 ayaa dhigaya in Turkiga ay dib u aqbasho dadka u gudba Greece ee soo mara dhinaca Turkiga, haddii aysna magan galyo ka dalban dalkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
caasimada@live.com