25.6 C
Mogadishu
Friday, December 5, 2025

Xasan Sheekh oo goordhow bixiyay lacagta diiwaangalinta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa goordhow is diiwaangaliyay Madaxweynaha Somalia ee uu wakhtigiisu dhammaaday Xasan Sheekh Maxamuud ahna musharax u taagan qabashada xilka Madaxeyne ee Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay wehlinayaan Xubno dhowr ah oo ka tirsan Madaxtooyada Somalia, ayaa Guddiga doorashooyinka ku wareejiyay lacagta is diiwaangalinta oo dhan 30,000 oo Dollar, sida uu Guddiga sheegay.

Madaxweyne Xasan ayaa is diiwaangalintiisa kadib lasiiyay Shahaadada Caddaynta Murashaxnimo oo ay bixinayeen Guddiga doorashada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa noqonaya Musharaxii 12-aad ee maanta isdiiwaan geliya, waxaana ka horeeyay 11 Musharax oo iyaguna maanta is diiwaangaliyay.

Guddiga Doorashadda Madaxweynaha u qaabilsan Diiwaangelinta Murashixiinta ayaa hubiyey inay Murashixiinta mid kasta bixiyey Lacagaha is diiwaan gelinta oo dhan 30,000 oo Dollar, ka hor inta aan la wada siinin Shahaadada Caddaynta Murashaxnimo.

Dhinaca kale, Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in Jadwalka is diiwaangalinta uu ku socdo sida loogu tallo galay, waxa uuna guddiga sheegay inaan wakhti lagu dari doonin maalmaha loo qabtay Musharaxiinta inay isku diiwaangalinta.

HOOS KA AKHRISO LIISKA MUSHARAXIINTA IS DIIWAANGALISAY

1-Sheekh Shariif Sheekh Axmed

2-Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.

3-Cabdiqaadir Cosoble Cali.

4-Maxamuud Maxamed Culusow.

5-Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

6-C/naasir Cabdulle Maxamed.

7-Bashiir Raagge Shiiraar

8-Amb. Maxamed Cali Ameeriko

9-Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

10-Jabriil Ibraahim Cabdulle

11-C/raxmaan C/shakuur Warsame

12-Xasan Sheekh Maxamuud

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News