28.7 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Trump: Xitaa Soomaalida haysta baasaboorada Yurub masoo geli karaan USA

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington DC (Caasimada Online) – Muwaadiniinta u dhashay toddobada dal ee Trump uu magacaabay ee haysta dhalashada dal labaad, ayaa sidoo kale soo gelin karin Mareykanka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in mamnuucista 90-ka maalmood uusan ku koobneyn kaliya dadka haysta dhalashada dalalka Iraq, Iran, Somalia, Sudan, Syria, Libya iyo Yemen.

Waxa uu sidoo kale go’aankan saameynayaa dadka asal ahaan kasoo jeeda toddobadaas dal balse haysta dhalashada dalal kale.

Waxaa tani uu macanaheedu yahay, qof asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya balse sita baasaboor British ah ama Midowga Yurub uusan soo geli karin dalka Mareykanka.

“Dadka usoo safraya Mareykanka ee haysta labada dhalashada, haddii mid ka mid ah ay tahay toddobada dal ee la mamnuucay, looma ogolaan doono inay soo galaan Mareykanka illaa 90 maalmood, lamana siin doono Visa” ayaa lagu yiri bayaanka Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka.

“Sidoo kale, wax wareysi oo la xiriira Visa lalama yeelan doono inta lagu guda jiro waqtiga 90-ka maalmood”.

Amarkan ma saameyn doono dadka asal ahaan kasoo jeeda toddobada dal ee la mamnucay balse haysta dhalashada dalka Mareykanka.

Si kastaba, wasaaradda ariimaha dibedda waxa ay sheegtay in dadka ku safraya baasaboorada diblomaasi ee kasoo jeeda toddobada dal, waa ay soo geli karaan Mareykanka, haddii ay wataan baasaboor labaad.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News