Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si rasmi ah usoo geba geboobay is-diiwaan gelinta musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya oo ku ekeyd maanta, sida ay shaaca ka qaadeen guddiga Doorashada Madaxweynaha Somaliya.
Dr. C/raxmaan Ducaale Bayle, Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha, ayaa sheegay in ay diiwaangeliyeen 24 musharax, tan iyo 26-kii bishan. Diiwaangelinta musharaxiinta ayaa si rasmi ah u bilaabatay Khamiistii la soo dhaafay.
Beesha Mudullood ayaa noqotay beesha ugu musharaxiinta badan, ayada oo in ka badan saddex meelood meel musharaxiinta is-diiwana geliyey ay beeshaas kasoo jeedaan. Haddaba musharaxiinta is-diiwaan geliyey iyo beelahooda ayaa kala ah:
Mudullood
1 – Xasan Sheekh Maxamuud – Waceysle
2 – Jabriil Ibraahim Cabdulle – Waceysle
3 – Caddow Cali Gees – Waceysle
4 – Cabdullahi Cali Xasan- Waceysle
5 – Shariif Sheekh Axmed – Agoonyar
6 – Cabdulqaadir Cosoble Cali – Warsangeli
7 – Bashiir Raage Shiriaar – Warsangeli
8 – Maxamed Cali Ameeriko – Reer Mataan
9 – Maxamuud Axmed Nuur Tarsan – Ujeejeen
Habar-gidir
1 – C/raxmaan C/Shakuur Warsame – Cayr
2 – Maxamed Maxamuud Culusow – Cayr
3 – Saciid Ciise Maxamuud – Cayr
4 – Cabdinaasir Maxamed Cabdulle – Sacad
Majeerteen
1 – Cumar C/rashiid Sharmaarke – Cusmaan Maxamuud
2 – C/raxmaan Maxamed Faroole – Ciise Maxamuud
3 – Cali Xaaji Warsame – Cumar Maxamuud
4 – Saciid Cabdullahi Deni – Cusmaan Maxamuud
5 – Xaaji Maxamed Yaasiin Ismaaciil
Mareexaan
1 – Maxamed Cabdullahi Farmaajo – Reer Diini
Ogaadeen
1 – Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi
Leelkase
Zakariye Maxamed Xaaji Cabdi
Kuwa aynaan weli aqoonsan
Axmed Maxamed Cabdi
Maxamed Axmed Jabarti
Maxamed Cabdirisaaq
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]


