Jowhar (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa wacad ku maray in Mooshin xil ka qaadis ah ay ka keeni doonaan Hogaamiyaha maamulka Cali Cabdullaahi Cosoble.
Xildhibaanada ayaa sheegay in Hogaamiyaha maamulka uu ka weecday dhammaan sharciyada maamulka, kadib markii uu deegaan ka dhigtay magaalada Muqdisho, halka uu ka mashquulay shaqooyinka maamulka.
Xildhibaanada ayaa ku doodaaya in Cali Cabdullaahi Cosoble uu ilaaway shaqooyinkii fulintooda loo doortay, waxa ayna ku goodiyeen inay keeni doonaan Mooshin xil ka qaadis ah oo aan ka laabasho laheyn.
Xildhibaan Maxamed Sheekh Bashiir ”Daqare” oo kamid ah Xildhibaanada maamulka ayaa sheegay in Cali Cabdullaahi Cosoble ay si adag ula xisaabtami doonaan waxa uuna meesha ka saaray inay ka aamusi doonaan shaqo la’aanta Hogaamiyaha.
Daqare, ayaa sheegay in Xildhibaanada Maamulkooda inaysan fasax aheyn, sidoo kalena wax shaqo ah aysan haynin.
Dhinaca kale, waxa uu ku baaqay in Cali Cabdullaahi Cosoble uu Xildhibaanada Baarlamaanka ka qanciyo tabashooyinka ay Saxaafada u mariyeen.
Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

