25.5 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Xog: Hubkii lagu qabtay dekadda Kismaayo oo khilaaf cusub abuuray

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog aan helnay ayaa sheegaysa in Khilaaf ba’an uu ka dhextaagan yahay Maamulka Jubbland iyo Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia, kaa oo salka ku haya baaritaanka lagu hayo Markabkii lagu qabtay Xeebta Kismaayo ee rarka Hubka ah siday.

Wararku waxa ay sheegayaan in Wakiiladu ay dalbadeen in lagu soo wareejiyo Hubka laga dajiyay Markabka si loo baaro waxa ay yihiin iyo halka uu rarkaasi ka imaaday.

Wakiilada ayaa sheegay in Jubbland aysan awood u laheyn in Hubkaasi ay heysato, waxa ayna ku doodeen in la marinaayo baaritaan, ka hor inta aan Hubkaasi lagu fasixin magaalada.

Wakiiladu waxa ay sidoo kale is hortaagen in Hubkaasi ay sii hayaan ciidamada Ethiopia ka jooga Somalia, gaar ahaan kuwa ka howlgala Dekada Kismaayo.

Maamulka Jubbaland ayaa ka hor imaaday in Hubka iyo Markabka siday ay lug ku yeeshaan Beesha Caalamka, waxa ayna Jubbaland si cad u diiday in Baarayaal aan aheyn kuwa maamulka iyo Ethiopia loo fasaxo Hubka iyo Markabka.

Jubbaland ayaa ku doodeysa in la socodka iyo Baaritaanada Maraakiibta kusoo xiraneysa Dekadda Kismaayo, ay khuseyso keliya Jubbaland.

Markabka lagu qabtay Dekada Kismaayo, ayaa waday tan Hub ah oo u badan Bastoolado, Miinooyin iyo agab Militery oo aan la cayimin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News