27.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Xog: Dooddii musharaxiinta oo laga gaaray heshiis (Goormee la qaban?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Doodii musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ee horey loo sheegay in la joojiyey gebigeedba, ayaa la filayaa in la qabto kadib heshiis xalay dhex maray musharaxiinta mucaaradka iyo guddiga doorashada, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Heshiiskan ayaa la gaaray markii musharaxiinta ay xalay hotel Jazeera kula kulmeen guddoomiyaha guddiga doorashada Dr. Cabdiraxmaan Beyle, una sheegeen in haddii aan doodda la qaban aysan ka qeyb gali doonin doorashada, arrintaas oo uu aqbalay Beyle.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno ku sugnaa kulanka, waxaa dooda la qaban doonaa 6-da bisha Febraayo, ayada oo la qeybin doono laba qeyb, islamarkaana labada qeyb la qaban doono hal maalin.

Musharaxiinta oo ku adkeystay qabashada doodda, ayaa rumeysnaa kuna eedeeyey dowladda inay ka dambeysay baaqashada dooddii hore.

Dhinaca kale, musharaxiinta ayaa ka dalbaday Beyle in xilka laga qaado taliyaha ciidamada booliiska Jeneral Maxamed Sheekh Xasan oo ay ku eedeeyeen inuu taageersan yahay madaxweyne Xasan Sheekh, sidaa darteedna, bay yiraahdeen, aysan amnigooda ku aamini karin.

Si kastaba, Beyle ayaa arrintan ku gacan seeray una sheegay musharaxiinta in tani ay tahay arrin uusan shaqo ku lahayn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News