25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Dhageyso: Xasan Sheekh oo khudbadiisa ku ballan qaaday saddex qodob

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia, ee uu wakhtigiisu dhamaaday ahna Musharax u taagan qabashada xilka Madaxweyninimo ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhow khudbad ka horjeediyay Baarlamaanka Somalia.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in mudada uu xilka hayo in waxbadan uu ka qabtay xaalada Somalia, waxa uuna carab dhabay in waxbadan uu ka qabtay Midnimada Somalia.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mar uu soo hadalqaaday midnimada Somalia sheegay in mudada ay jirtay Dowladiisa uu ku guuleystay in Siyaasiyiin farabadan oo xilalka ka hayay maamulka Somaliland iminka usoo jabeen dhanka Dowlada Somalia.

Midnimada Somalia darteed ayuu sheegay in Dowlada Somalia ay gaartay heer ay dhex dhexaadiso misna ay heshiisyo kala dhex dhigto Beelaha Somaliland.

Xasan Sheekh, waxa uu sheegay inuu yahay Hogaamiyaha 4ta sano ee soo socta, waxa uuna cod dheer ku sheegay in mudada ay shaqeyn doonto Dowlada cusub ay la imaan doonaan Horumar la taabankara, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay inuu la dagaalami doono Musuqa, Eexda iyo wax waliba oo ka dabadhow.

Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu tilmaamay inuu xooga saari doono 3 qodob oo kala ah:-

1-Dhismaha Hay’adaha amniga oo hanankara la wareegida amniga dalkeena mudada dhow

2-Sii ambaqaadida Federaaliisimka dalka si uu u noqdo mid u adeegaya dalka.

3-Dhismaha Nidaam Siyaasadeed oo qaran, si loo noqdo Qaran jira.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News