Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa gelinkii dambe ee maanta xildhibaannada labada aqal ka hor khudbeyay Murashaxiinta kala ah: Xasan Sheekh, Saciid Cabdulahi Deni, Dr. Saciid Ciise Maxamud Iyo Sharif Sheekh Axmed.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Sharif Sheekh Axmed oo ahaa qofkii ugu dambeeyey ee hadlay, ayaa ballan-qaaday inuu uu wax ka qaban-doono arrimaha amniga, dib u heshiisiinta, dhameystirka garsoorka, dhameystirka dastuurka, hor u marinta bulshada iyo dhaqaalaha, wanaajinta xiriirka arrimaha dibadda, maamul wanaagga.
Arrimihii ugu muhiimsanaa khudbaddiisa waxaa ka mid ahaa in uu dib u soo celin doono hanta uu sheegey in laga qaatey dalka, hor u marinta bulshada iyo dhaqaalaha tusaale ahaan waxaa uu soo qaatey caafimaadka, waxbarashada iyo deegaanka.
Sheekh Shariif ayaa sheegay hadii uu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya in uu diyaari doono ciidamo gaar ah, kuwaa soo la wareegi doona Ammaanka , islamarkaana Aqoon u leh Suggida Amniga.
Midnimada Soomaaliyeed ayuu sheegay in xukuumadiisa ay ka shaqeyn doonto.
Marka la Gaaro 2018 ayuu xusay in ciidamo isku dhaf ah ay la wareegi doonaan Ammaanka.
Mar uu ka hadlayay Ciidanka AMISOM , Waxaa uu tilmaamay in AMISOM ay baxayso markii Soomaaliya ay yeelato ciidan Qaran.
Maxkamaddaha iyo Garsoorka ayuu sheegay in Afartii sano ee uu xilka ka maqnaa waxba laga qaban, waxaana uu tilamaamay in uu dardargalin doono dhismahooda.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]