Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay Dagaal u dhexeeyay Ciidamada Booliska.
Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan Booliska iyo Sargaal ka tirsan Saraakiisha Booliska kaa oo la doonaayay in qaab shirqool ah lagu kaxeeyo.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada Booliska ay Sargaalkaasi ku amreen inuu raaco, hayeeshee markii uu diiday uu sidaa ku bilowday dagaalka oo socday qadar saacado ah.
Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay ilaa iyo hal ruux, halka Seddex kalana uu soo gaaray dhaawac, ka dhashay rasaasta ay labada dhinac is weydaarsanayeen.
Dhinaca kale, maamulka Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, ayaa ku baxay dagaalka waxaana iminka lasoo sheegayaa in dagaalka uu joogsaday.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

