25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Xog: Qorshaha Gaas oo dagaal siyaasadeed ka dhex abuuray musharaxiinta Puntland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas ayaa kusoo wajahan magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya xili ay dhowr cisho ka dhiman tahay doorashada madaxtinimada Somalia.

Hogaamiyaasha maamul goboleedyada Somalia ayaa sanadkaan door muuqda kuleh doorashada dhici doonta 8-da bishan, ayaga oo badankood gadaal ka riixaya musharaxiin kale.

Sida ay ilo muhiim ah xaqiijiyeen safarka Gaas ee Muqdisho waa mid uu ku taageeraayo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo ka mid ah musharaxiinta sanadkaan u taagan xilka madaxtinimada Somalia.

Maalmahan waxaa jira warar sheegaya in Ra’iisul Wasaare Sharmaake uu lumiyay qaar ka mid ah xildhibaanadii uu heystay oo u badnaa xubno uu Gaas soo saaray markoodii hore, waxaana uu isku dayi doonaan inuu dhex dhexaadiyo CCC iyo xildhibaanadaas.

Socdaalka uu Gaas ku imaanaayo Muqdisho waxaa uu caro ku abuuray qaar ka mid ah musharaxiinta kale ee reer Puntland ee u taagan xilka ugu saareeya Somalia.

Cali Xaaji Warsame, C/raxmaan Faroole, iyo Siciid Deni, ayaa diidan qorshaha uu Gaas ugu batay dhanka Cumar Cabdirashiid, waxaana ay tani ay abuuri karta colaad siyaasadeed.

Musharaxiintan ayaa tallaabada Gaas u arka mid sharci darro ah, maadaama uu yahay madaxweynaha Puntland oo ay ahayd inuu dhexdhexaad u noqdo dhammaan dadka reer Puntland.

Qaar ka mid ah shacabka reer Puntland oo aan la hadalnay ayaa aaminsan inuu madaxweyne Gaas ku qaldan yahay inuu kala jeclaado musharaxiinta reer Puntland ee u taagan xilka madaxtinimada Somalia.

Sidoo kale socdaalka Gaas ayaa la sheegay inuu kusoo aadayo xilli aan habooneyn.

Gaas ayaa lagu eedeyay inuusan waxba ka qaban abaaraha ka jira Puntland iyo amni darada maalmahan ka jirta Boosaaso.

Dadka la jaanqaada siyaasada Puntland ayaa aaminsan in talaabadan ay madaxweyne Gaas ku keeni doonto fal celin siyaasadeed oo baaxad weyn, marka ay dhamaadaan doorashooyinka madaxtinimada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News