25.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Xildhibaan ka digay in ololaha doorasho lagu galo Badda Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Sagal C/risaaq oo kamid ah Baarlamaanka Somalia, ayaa ka digtay in la Siyaasadeeyo badbaadinta Badda Somalia.

Xildhibaan Sagal, ayaa sheegtay inay muuqaneyso in amuuraha Badda Somalia laga dhiganaayo mid lagu socodsiiyo ololaha Musharaxiinta qaar, waxa ayna tilmaantay inaan ololo lagu gali karin arrimaha Badda.

Xildhibaanada ayaa tilmaantay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay ka dharagsan yihiin waxa uu Musharax waliba yahay, hayeeshee aysan cid gaara ku dooran doonin arrimaha badbaadinta Badda Somalia.

”Ma aqbaleyno in Badeena Somalia lagu galo ololaha doorashada, ka Xildhibaan ahaan waxaan ka digayaa in sumcad ama magac lagu raadiyo Badda, waayo cid waliba ayay mas’uuliyad ka saaran tahay Badda Somalia yaanan laga dhigin wax khaas ah”

Xildhibaan Sagal ayaa dhinaca kale sheegtay in Baarlamaanka Somalia uusan ka gaabin doonin wax kabedelka xaalada ka taagan dalka, waxa ayna cod dheer ku sheegtay inay u muuqato wanaaga ay sameyn doonaan Xildhibaanada.

Haddalka Xildhibaan Sagal C/risaaq, ayaa imaanaya xili Musharax Xasan Sheekh uu eedeynta Badda Somalia dusha uga tuuray Musharaxiin iminka kula tartameysa xilka Madaxeyninimo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News