27.4 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

22-ka musharax ee Somalia: Waxa aad rumeysan tahay iyo xaqiiqda jirta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Waxaa Soomaaliya ay galeysaa marxalad ka duwan afar sano ka hor, xiligaasi oo dowladda Soomaaliya ay ka baxday heer kumeel gaar ah, ayada oo maanta la qaban doono doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee dalka hogaamin doonta afarta sano ee soo socota.

Doorashada sanadkaan waxaa ka dhex muuqda musharixiin badan oo u badan beelo qaar, waxaana ay gaarayaan 22 musharax, kuwaasi oo u muuqda inaysan waxba isdhaamin, marka ay noqoto danta umadda Soomaaliyeed.

Sababta ayaa ah in musharax walbaa uu doonayo inuu ka faa’ideystaa muddada kooban ee uu xilka hayo, waxaana ay kaga faa’ideysanayaan dhanka dhaqaalaha iyo ku fakir falida awooda dalka.

Waxaa xusid mudan in musharixiinta qaarkood ay ku qasabtay inay isaga sharaxaan ciil ay ka qaadeen musharixiinta kale qaarkood, waxaana ilo xog ogaal ah inoo sheegeen inay musharixiinta qaar ay sidaasi usoo galeen musharaxnimada.

Sidoo kale waxaa la wada og soon yahay in khudbadaha ay jeedinayaan musharixiinta xilka u taagan ee dalka iyo dad jaceylka ah inaysan ka dhabeyneynin marka ay xilka qabtaan.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa aaminsan in musharixiinta ay qaban karaan balanqaadyada qaar, laakiin waxaa ku adkaan doonto hadhow inay balanqaadyada qaar ka dhabeeyaan.

Waxaa ugu horeeya dhismaha ciidamada qaranka Soomaaliya oo la wada og soon yahay inay caqabad ku yihiin dalalka shisheeye, waxaana lasoo hordhigaa madaxda qaar go’aano aysan saxiixi Karin, balse danta ku qasabto.

Madaxdii dalka soo martay, waxaa mid walbaa ka hor doorashadiisa uu sameeyay balanqaad uu sameyn doono haddii la doorta, waxaana qaarkood ay ka soo bixi waayeen inay ka dhabeeyaan balanqaadyadoodii hore.

Dhinaca kale waxaa soo baxaya musharixiinta qaarkood ay taageero ka helayaan dalalka deriska, halka musharixiinta kale dhexdooda ay is taageerayaan si ay mar uun xukunta dalka u helaan.

Dhibaatada kale ee jirta ayaa ah in musharax walbaa uu balanqaad wanaagsan sameynayo ka hor doorashadiisa, balse marka uu guuleysto uu ku dhaqaaqayo nin jecleysi iyo musuq maasuq.

Marka aad eegtaa dhibataada shacabka ay qabaan, waxaa kuusoo baxaya inay ka daaleen dowlad la’aan oo ay doonaan dowlad caadil ah, laakiin shaqsiyaadka xilka doonaya ayaa waxay ka fakarayaan dhaqaalaha kaga baxay soo bixitaankooda.

Waxaana muuqanaysa inay dhamaantood waxba is dhaamin.

W/Q: Saadaq Maxamed Xuseen

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News