Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo jeedinta Khudbadaha Musharaxiinta, oo bilaabatay Khamiistii lasoo dhaafay 2 Feb 2017.
Khudbada ayaa waxaa maanta jeedin doona 8 Musharax kuwaa oo lagu soo gabagabeynaayo Khudbadaha Seddexda maalin ah ee loo qabtay Musharaxiinta.
Musharaxiinta ugu danbeysa ee maanta jeedin doona Khudbadaha ayaa kala ah:
1.Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke
2.Dr. Maxamuud Maxamed Culusow
3.Maxamed Axmed Jabarti
4.Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo)
5.Maxamed Cali Nuur (Ameeriko)
6.Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)
7.Maxamed C/risaaq
8. Xaaji Maxamed yaasiin Ismaaciil
Dhinaca kale, Doorashada ayaa waxaa lagu wadaa inay dhacdo Maalinta Arbaca habeenka ay Khamiista soo gali doonto.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

