25.2 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Maxay soo kordhin doonaan kaamirooyinka qarsoon ee Muqdisho lagu xiray?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo kordhiyay kaamirooyin qarsoon oo lagu xiray waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho.

Kaamirooyinka qarsoon ee loo yaqaano CCTV ayaa lagu xiray isgoysyada waaweyn ee magaalada Muqdish, iyadoo si tijaabo ah loogu xiray waddada Maka Al Mukarama.

Kaamirooyinka oo la doonayo inay duubaan film ama muuqaal qarsoon ayaa la xiray xili maalin cad ah, taasi oo dad badan ay ku sheegeen inay ka dhigan tahay in dadka wax laga qarinayay lasii tusiyay in kaamirooyinka.

Kaamirooyinka qarsoon ayaa la doonayaa inay qeyb ka qaataan la socodka dhaqdhaqaaqa waddooyinka lagu xiray kaamiraha oo marar badan ay qaraxyo ka dhaceen.

Masuuliyiin dhinaca amaanka ayaa sheegaya in ujeedada loogu xiray waddooyinka kaamirooyinka cusub inay tahay inay door ku lahaadaan adkeynta amaanka caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Waxaana ay duubi doonaan dhaqdhaqaaq walbaa oo ku hareeraysan kaamiradaha.

Inta doorashada aysan dhicin kahor ayaad moodaa in la adkeynayo amaanka caasimada Soomaaliya ee Muqdisho oo 8 bishan ay ka dhacayaan doorashada madaxweynaha dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News