26 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Warbixin: AMISOM iyo maalinka doorashada madaxweynaha.!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno Saraakiil ka tirsan Ciidamada amaaanka Soomaaliya ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM kaalin mug leh laga siiyay sugida amniga Doorashada.

Ciidamada AMISOM ee ku qoran gaafwareega magaalada Muqdisho iyo Sugida Amniga ayaa la sheegay in loo wareejiyay ka howlgalka xeendaabka Garoonka Aadan Cadde iyo Gudaha Xarunta Xalane.

Ciidamadaani ayaa la sheegay inay ilaalin doonaan xeendaabka Garoonka iyo dhammaan waddooyinka gala Garoonka si ay u adkeeyaan Amniga Goobta ay ka dhici doonto Doorashada.

Ciidamada AMISOM ayaa waxaa sidoo kale la shaqeyn doona Ciidamo gaar oo loogu talla galay Doorashada kuwaa oo ka tirsan Wasaarada Gaashandhiga Somalia.

Docda kale, Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga dareemayaa saan-saan Doorasho waxaana inta badan xiran waddooyinka waaweyn iyo kuwa kasoo baxa Xaafadaha ee soo gala Laamiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News