Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Maxamed C/laahi Maxamed ”Farmaajo”, ayaa kulan khaas ah Magaalada Muqdisho kula yeeshay Safiirada Wadamada Carabta ee Somalia iyo wafdi ka socday Ururka Jaamacadda Carabta.
Safiirada ayaa ka hor inta aysan u guddagalin arrimahooda Maxamed C/laahi Maxamed ”Farmaajo” ku wareejiyay dhambaalo ay kaga wadeen Madaxweynayaasha dalalkooda.
Safiirada ayaa Madaxweyne Farmaajo ku bogaadiyay xilka loo doortay ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda, iyaga oo ballan qaaday inay garab istaagayaan dowladdiisa oo heysata taageerada shacabka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale Safiirada iyo wafdiga Jaamacadda Carabta uga mahadceliyay booqashada ay ugu yimaadeen, waxa uuna dhankiisa ka ballanqaaday inuu xoojin doono xiriirka kala dhexeeya.
Madaxweyne Farmaajo waxa uu Safiirada u sheegay in dowladdiisu ay hiigsaneyso hindisaha Nabad iyo nolol, oo ah mid deganaansho looga hirgelinayo dalka, laguna abuurayo nolol wanaagsan iyo horumar muuqdo.
Intaa ka dib Madaxweyne Farmaajo ayaa Madaxweynayaasha Carabta ugu baaqay wax ka qabashada ilaa 5 qodob, isagoo u marinaayay Safiirada, waxaana kamid ahaa:
1- In loo fidiyo Soomaaliya gurmad degdeg ah si xad loogu yeelo abaarta lixaadka leh ee saameysay dadka, xoolaha iyo wax soo saarka beeraha.
2- Taageeridda Istiraatiijiyadda amni ku soo dabaalidda dalka Soomaaliya .
3- Taageeridda Qorshaha dib u heshiisiinta qaran ee Soomaaliya.
4- In Dowladaha iyo Shirkadaha Carbeed ay maalgashi ballaaran ku sameeyaan Soomaaliya, lana horumariyo kaabayaasha dhaqaallaha dalka.
5- In Dowladaha Carabta meel kasta oo joogaanba ay ku matalaan Soomaaliya, wakiilna ka ahaadaan, ilaaliyaanna xaqqeeda iyo mudnaanshaheeda.
Dhinaca kale, Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa Dowladaha Carabta iyo kuwa reer Galbeedka ah ku booriyay inay ka dhabeeyaan ballanqaadyada ay u sameynayaan Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

