Xog-warran: Xildhibaanada isbedel doonka ah iyo dowladda cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno qaar kamid ah Xildhibaanada Isbedel doonka ayaa sheegaya inay wadaan qorsho lagu dardar galinaayo dhismaha Dowlada cusub ee uu hogaaminaayo Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Xildhibaanada ayaa sheegay in Madaxweynaha ay kala shaqeyn doonaan xulida Ra’isul wasaare u qalma xilka iyo in Dowlada Cusub ay yeelato Golo Wasiiro oo ka tayo badan kuwii hore.

Waxa ay sheegen inay doonayaan in Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ay siiyaan kalsoonidii ugu adkeyd si bey yiraahdeen loo samatabixiyo Somalia oo kasii gudbeysa dhibta ku habsatay dhowr sano ka hor.

Sidoo kale, Xildhibaanada oo siyaabo kala duwan ula hadlaayay Warbaahinta ayaa sheegay in laga soo gudbay marxaladihii hore isla markaana loo gudbay wax wada qabsi iyo in dalka laga saaro wax waliba oo dhibaato u keenikara.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, ayaa laga sugayaa in muddo 30 cisho gudaheeda uu kusoo magacaabo Ra’isuk wasaaraha dalka, waxa uuna Ra’isul wasaarahaasi soo dhisi doonaa Xukuumad dhameystiran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com