26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Xog: Farmaajo oo la filaayo in isbedel degdeg ah uu ku sameeyo agaasinka Villa Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ee Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu isbedel muuqda ku sameeyo Agaasimayaasha Villa Somalia.

Madaxweynaha ayaa isbedelkaasi ku sameyn doona labada Agaasimayaasha iyo qaar kamid ah Howlwadeenada Villa Somalia, waxa uuna ku bedeli doonaa kuwa isaga uu u arko inay gudan karaan waajibaadka.

Bedelka ugu horeeya ayaa saameyn doona Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) iyo Agaasime ku-xigeenka Saadaq C/kariin Xaaji Ibraahim oo aad ugu dhow Madaxweynaha xilka ka degay Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Farmaajo ayaa saacado kadib markii uu guuleystay isbedel ku sameeyay Amniga Madaxtooyada Somalia, waxa ayna tani caado soo jireen u aheyd Madaxweynayaasha dalka soo maray oo shaqsi ay ku kalsooni qabaan u magacaabi jiray Amniga Madaxtooyada.

Madaxweynaha Qaranka Maxamed C/llahi Farmaajo oo isbedel doon ah ayaa xilka ka qaadi doona dhammaan Shaqsiyaadka ka tirsan Madaxtooyada si Maamulka Madaxtooyada ay ula wareegto Dowlada Cusub.

Lama saadaalinkaro shaqsiyaadka uu saameyn doono Isbedelka, balse waxaa soo baxaaya in xilalka laga qaadi doono Agaasimaha Villa Somalia iyo ku-xigeenkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News