Sawirro: Carruur ku dhamaatay hoobiyayaal lagu garaacay agagaarka Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa Hoobiyayaal lagu duqeeyay Madaxtooyada Somalia iyo xaafadaha ku hareeryaalla.

Hoobiyayaasha ayaa badankooda ku dhacay nawaaxiga Madaxtooyada Somalia, halka qaarna ay ku dhaceen Xaafado ku hareeryaalla oo ay degan yihiin dad shacab ah.

Mid ka mid ah Hoobiyayaasha ayaa ku dhacay Degmada Warta-nabadda, waxaana ku dhimatay 3 fof oo labo ka mid ah ay yihiin caruur, halka 4 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Hoobiyayaashaani ayaa ku soo beegantay xili maanta uun uu xafiiska la wareegay madaxweyne Farmaajo oo howlaha ugu horeeya ee laga sugayo ka mid tahay sugida amniga.