25.9 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo shaqaalihii hore ee Villa Somalia ku yiri hadal aysan fileyn

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maanta waxay aheyd maalin  taariikhda geli doonto maadama uu xilka madaxtooyada la wareegay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaasoo dhawaan kusoo baxay doorashadii xalaasha aheyd ee ka dhacday Muqdisho.

Haddaba baryahaan waxaa jirtay hadal heyn badan oo ku saabsan sida uu Farmaajo ka yeeli doono shaqaalihii hore ee madaxtooyada Villa Soomaaliya kuwaas oo hoos ka tagi jiray taliskii Xasan Shiikh Maxamuud oo uu soo idlaaday xukunkiisa.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo qudbad ka jeediyey xafladii xilka loogu wareejinayey ayaa halkaas ka sheegay hadal ay aad ugu farxeyn shaqaalihii madxtooyada  Soomaaliya ka shaqeyn jiray isagoo u sheegay inay yihiin muwaadiniin dalka usoo shaqeeyey isla markaasna kamid noqdon doono dowladiisa.

” shaqaalihii Villa Soomaaliya ee lasoo shaqeeyey dowladdii hore way mahadsan yihiin, dalka wax badan ayey usoo qabteyn, dowladeedana way la shaqeyn doonaa” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

hadalkaan kasoo baxay madaxweynaha ayaa imaanayo xilli ay cabsi weyn qabeyn shaqaalihii madaxtooyda Villa Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News