28.1 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Goormee ayey dhaceysaa doorashada Madaxweynaha Galmudug ?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in magaalada Cadaado ay ka dhacdo Doorashada Hogaamiyaha cusub ee maamulka Galmudug ee bedeli doona Hogaamiyihii iscasilay C/kariin Guuleed.

Doorashada Hogaamiyaha cusub ayaa lagu wadaa in lagu qabto si degdeg, sida laga soo xigtay qaar kamid ah Xildhibaanada maamulka Galmudug.

Xildhibaan Faysal Axmed Cabdulle oo ka mid ah xildhibaanada Galmudug ayaa sheegay inay doonayaan in doorashada Madaxweynaha Galmudug ay dhacdo 20 Bisha March ee sanadkaan 2017-da.

Xildhibaanka waxa uu sheegay in dhammaan Musharaxiinta ay yihiin kuwo horay isku diiwaangaliyay, isla markaana loo baahan yahay in Galmudug ay hesho Hogaamiye cusub.

Xildhibaanka waxa uu xusay in Musharaxiinta u taagan xilka Galmudug ay badi yihiin kuwo ku sugan magaalada Cadaado.

Dhinaca kale, Dowlada Somalia ayuu ugu baaqay inay la socto dhaqdhaqaaqa Doorashada waxa uuna cod dheer ku sheegay inay suuragal tahay in waxbadan leysdaba mariyo.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News