Xog dheeraad ah oo laga helaayo qorshaha Imaaraadka loogu wareejinayo dekadda Bosaso

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Imaaraadka ayaa dadaal xoogan ku bixineysa sida ay ula wareegi laheyd dekedda magaalada Boosaaso ee Puntland, ayada adeegsaneysa Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalkaasi.

Qorshaha ay Shirkadda DP World kula wareegeyso Dekadda ayaa waxaa qeyb ka ah Hogaamiyaha maamulka Puntland C/wali Gaas, oo qarka u saaran inuu saxiixo Heshiiska, oo lacag badan uu ku heli doono

Gaas, ayaa dhawaan magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaradka Carabta u tagay wada hadallo la xiriira sidii ay Puntland dekedda Boosaaso ugu wareejin lahayd shirkadda DP World .

Wada hadallada u dhaxeeya Puntland iyo Maamulka shirkadda DP World ayaa gabagabo maraya, sida laga soo xigtay ila wareedyo ku dhow madaxweynaha Puntland.

C/wali Gaas, ayaa maamulka Shirkada oo ay wakiil ka tahay Dowlada Imaaraadka ku qanciyay inay ku wareejinayaan Dekadda muhiimka ah ee Boosaaso.

Hogaamiyaha maamulka Puntland C/wali Gaas, ayaa maalmahaani danbe ku laa laabanaayay magaalada Boosaaso, iyadoo ujeedkiisa lagu sheegay diyaarinta Dekadda Boosaaso oo lasiin doono shirkadda DP World.

Sidoo kale, Maamulada Shirkadda DP World iyo Puntland ayaan wali midkood ka hadlin wada xajoodka socda ee ay shirkaddu ku dooneyso inay kula wareegto dekedda Boosaaso.

Tallaabadaani Dekadda Boosaaso loogu gacan galinaayo Dowlada Imaaraadka, ayaa kusoo beegmeysa xili Imaaraadku uu la wareegay qeybo kamid ah magaalada Berbera oo laga dhisi doono Saldhig ciidan oo laga duqeyn doono Xuutiyiinta Yemen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com