Sawirro: Maxaa kusoo kordhay dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhay khasaaraha ka dhashay dabkii ka kacay Suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Ilaa seddex ruux ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen dabka ka kacay Suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaana ku burburtay dabka hanti fara badan.

Dabka ayaa ka bilowday Suuqa Khaliifa wuxuuna kusii faafay qeybo kale oo suuqa kamid ah, taasi oo badisay khasaaraha ka dhashay dabkaasi.