Farmaajo oo soo bandhigay qorsho halis ku noqon doona mas’uuliyiinta caadeystay musuqa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS, Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay qorshooyinka Dowladiisa ee ku aadan dib usoo celinta ka faa’iideysiga Beeraha.

Farmaajo waxa uu sheegay in Dowladiisu ay dib usoo celin doonto beerihii ay lahaan jirtay dowladdii dhexe ee Somalia, waxa uuna cadeeyay in dhammaan beerahaasi ay ka faa’iideysan doonto Dowlada.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu cadeeyay in Dowladiisu ay ka dhabeyn doonto dib ula soo laabashada Beeraha.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in beerahaasi lagu fali doono Mas’uuliyiinta lagu qabto danbiyada la xiriira qaadashada Laaluush iyo sidoo kale Musuqmaasuq.

”Dowladu waxa ay laba dhan uga faa’iideysan doontaa Beeraha ay laheyd Dowladii dhexe, faa’iidada koowaad waxa ay noqon doontaa inaan dib usoo saarno kheyraadka ku jira Beelaha iyo in Beerahaasi aan ku falno Mas’uuliyiinta lagu helo laaluushka iyo musuqmaasuqa”

”Beeraha kama shaqeyn doonaan cidaan aheyn shaqsiyaadka lagu helo kiisaska Laaluushka iyo Musuqmaasuqa”

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale, sheegay in ay ku shaqeyn doonaan Maxaabiista ku jirta Xabsiyada isla markaana ay ka shaqeyn doonaan beeraha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay ka hortagto Musuqmaasuqa iyo Laaluush qaadashada.

Haddalka Farmaajo ayaa kusoo beegmaaya xili Dowlada Somalia ay ka dhaqaaqi la’ dahay Musuq iyo Laaluush joogta ah oo ay qaatan Madaxda Dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com