Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaarihii hore ee Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa shaaca ka qaaday in Dowlada Somalia ay ka hanaqaaday halkii ay taagneyd dhowr sano ka hor.
Sharmaarke waxa uu sheegay in laga baxay wakhtigii shacabka Soomaaliyeed lagu cadaadin jiray Dowladaha aysan rabin waxa uuna iminka cadeeyay in la helay Dowlad iyo shacab is wata.
”Waxaa curtay Dowlad shacab waxaan rajeynayaa in shacabka Soomaaliyeed ay ku qanci doonaan tallaabooyinka ay qaadeyso Dowlada la doortay”
Sharmaarke waxa uu sidoo kale, Ra’isul wasaare Xasan Kheyre ugu baaqay in Xukuumada uu soo dhisi doono ay noqoto mid ka tayo badan kuwii hore.
Sharmaarke waxa uu tilmaamay in Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isul wasaaruhuba looga baahan yahay inay ka faa’iideystaan fursadaha ay heystaan waxa uuna carabdhabay in Dowladaani ay noqoneyso mida ugu shacbiyada badan.
”Waxaa la doonayaa in Madaxweynuhu iyo Ra’isul wasaaruhu ka faa’iideystaan fursada, dadku waxa ay indhaha ku hayaan Xukuumada cusub, waxaan Ra’isul wasaaraha ugu baaqayaa inuu soo dhiso Xukuumad ka tayo badan kuwii hore”
”Ra’isul wasaaraha waa inuu soo dhisaa Golo lagu qanci karo maadaama Dowladu ay heegsaneyso isbedel Siyaasadeed”
Haddalka Sharmaarke ayaa imaanaya xili Ra’isul wasaare Kheyre uu sheegay in si dhaqsi ah uu kusoo magacaabayo Golihiisa Wasiirada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]