Musharixiin xildoon ah oo Muqdisho buux dhaafiyay iyo Kheyre oo latashiyo wada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo Arbacadii lasoo dhaafay cod buuxa ka helay xildhibaanada baarlamaanka ayaa wada latashiyo la xiriira wasiirada uu soo dhisayo.

Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa latashiyadaasi la yeelanaya xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya iyo waxgaradka ugu sareeya beelaha kala duwan ee Soomaaliyeed.

Kulamo wadatashi ah oo xalay ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxay u dhaxeeyeen ra’iisul wasaaraha dalka iyo odayaasha dhaqanka ee matalaya beelaha Soomaaliyeed.

Kulamadaasi ayaa waxaa ra’iisul wasaaraha uu uga dan leeyahay inuu kusoo dhiso xukuumad cusub oo ay dadka iska dhex arkaan, sida uu horey u balan qaaday.

Waxaa magaalada Muqdisho soo buux dhaafiyay musharixiin badan oo doonaya inay helaan xilalka wasiirada cusub ee dalka, kuwaasi oo dibada ka yimid.

Qaarkood dadka wasiirnimada doonaya ayaa waxay ka yimaadeen Mareykanka iyo Canada, halka qaar kalana ay ka yimaadeen dalalka Yurub.

Waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayaa buux dhaafka dadka dibada ka yimid ee xil doonka ah, taasi oo la micno ah in ruuxa heysta baasaboorka labaad uu helayo xilalka ugu badan ee dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com