Muqdisho (Caasimada Online) – Gobolada kala duwan ee Soomaliya waxaa ku dhufatay abaar aad u daran oo lagu tilmaamay inay tahay mid baaxad weyn oo aan xilliyadii dambe Soomaliya ka dhicin.
Gobolada ugu badan oo ay abaarta ku dhuftay waa meelo ka mid ah waqooyiga iyo magaalooyin hoos imaado Maamulka Koonfurt Galbeed waana meesha ugu saran oo ay hal maalin ku geeriyoodeen ilaa 70 qof oo masaakin ah.
Haddaba waxaa lasoo bandhigay qaar kamid ah sawirada dadkii abaarta ay sameysay oo qaarkood dhinteyn halka qaar kalana ay xaaladooda halis ku jirto.
Dadkaan ayaa u baahan gargaar deg deg ah abaartana waxay mareysaa meel halis ah, waxayna caasimadda Online sawiradadaan idinkula wadaagtay si aad u aragtaan xaaladda Soomaaliya sidoo kalana caawimaad loo fidiyo qofkii awoodo.
Haddaba hoos ka daawo sawirada qaar kamid ah dadkaas oo qaarkood ay abaarta darteed ugu dhacday shuban biyood iyo cuduro kale waxayna dowladda Soomaaliya hadda wadaa dadaalkii ugu dambeeyey oo ay ku dooneyso inay dadkaas wax u qabato
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]