25.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Xog kusoo korortay kulamada Kheyre ee lagu soo xulaayo Golaha Wasiirada cusub

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu ku dhawaaqo Golaha Wasiirada xukuumada cusub.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa maanta kulamo kala duwan la qaatay qaar kamid ah Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Beelaha Soomaaliyeed.

Ra’isul wasaaraha ayaa Siyaasiyiinta iyo Odayaasha kala tashtay dhismaha Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia, waxa uuna usoo jeediyay inay ku qancaan Golaha uu soo dhisi doono.

Kheyre waxa uu Odayaasha u sheegay in Beel waliba ay heli doonto xaqeeda, sidoo kalane loo baahan yahay inaan la fiirin keliya xilalka balse lala shaqeeyo Golaha imaan doona.

Kheyre ayaa sidoo kale Siyaasiyiinta iyo Odayaasha ku qancinaayay inay muhiim tahay in garab lasiiyo Dowlada maadaama la doonaayo in afar sano gudaheeda lagu hormariyo waxyaabaha ay qabyeeyeen Dowladihii hore.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu sidoo kale Siyaasiyiinta iyo Odayaasha kula dardaarmay inay qaatan kaalintooda ku aadan Horumarinta dalka, waxa uuna carab dhabay in la’aan tooda aan wax la qabankarin.

Dhinaca kale, Kheyre ayaa ballanqaaday in Golaha uu soo dhisi doono ay noqon doonaan kuwo ay ku farxaan Shacbiga Soomaaliyeed, waxa uuna cadeeyay inay ka shaqeynayaan wax waliba oo ay raali ku noqon karaan shacbiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News