Baardheere (Caasimada Online) – Maamulka degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa maanta amar ku soo saaray in ciidamada Ethiopia ay isaga baxaan degmadaasi, kadib khilaaf ka dhashay diyaarad khaad sidday oo laga celiyey degmada.
Diyaaradaha oo laba ahaa ayaa mid ka mid ah ay ogolaadeen ciidamada Ethiopia, halka mid kalena ay dib u celiyeen.
Intaas kadib ayaa la sheegay in saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ee degmada Baardheere ay iyaguna amar ku bixiyeen in gebi ahaan qaadka ay siday diyaaradda loo ogolaaday in ay iyada kaliya dajiso qaadka in la boobo, waxaana ku xoomay dadweyne fara badan oo kala boobay gebi ahaan qaadkii diyaaradaasi siday.
Amarka lciidamada Ethiopia loogu jeediyey ay ka baxaan Baardheere oo ka yimid saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inaan la fulin.
Dhinaca kale, guddoomiyaha arrimaha bulshada magaalada Baardheere Xuseen Cabdi Xalane ayaa sheegay in amarka lagu celiyay diyaarada qaadka siday inuu lahaa sarkaal Itoobiyaan ah oo ka tirsan ciidanka Amisom, ee ku sugan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.
Xalane ayaa sheegay in sarkaalkan maalmahan in uu waday dhibaato oo uu ku hayay bulshada, maamulka iyo nabadoonada.
Guddoomiye Xalane ayaa sheegay sarkaalkan Itoobiyaanka ah dhibaatadan in uu maamulka ku hayo mudo ku dhow afar bilood.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]