25.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Xiisad ka taagan safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho iyo shaqaalihii oo mushaarkii loo diiday awoodna looga saaray

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan Soomaaliya isaga tagay safiirkii imaaraadka Carabta u fadhiyey Soomaaliya kadib markii uu xumaaday xiriirka labada dowladood.

Haddaba waxaa safaarada ay imaaraadka kuleedahay Muqdisho ka bilaabatay arrin cusub oo ku dhacday shaqaalihii ka tirsanaa safaaradaas.

Wararka ay heleyso caasimadda Online ayaa xaqiijinayo in shaqaalihii safaaradda Imaaraadka carabta ee Magaalada Muqdisho  loo diiday in la siiyo mushaaraadkooda iyadoo laga xirtay albaabada safaaradda xilli loo isticmaalay awood iyo handadaad.

Qaar kamid ah shaqaalaha safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho oo maanta la hadlay saxaafadda ayaa ka dhawaajiyey inay markii hore si lama filaan ah loogu diiday in la siiyo mushaaraadkii ay xaqqa u lahaayeen oo ay halkaas ka doonteen waxayna sheegeyn in lagu wargeliyey inay safaaradda isaga tagaan markay diideyna waxaa awood u adeegsaday ciidamada ilaalada ka ahaa safaaradda.

Waxay shaqo la’aan soo wajahday shaqaalihii safaaradda oo lagu qiyaasay ilaa 90 qof waxaana ugu dambeyntii loola dhaqmay qaab ka baxsan shuruucada shaqaalaha adduunka taasoo kuu muujineyso heerka uu gaaray xiriirka dowladda iyo Imaaraadka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News