Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray António Guterres oo ah xoghayaha guud ee qaramada Midoobay kaasoo Soomaaliya u imaaday sidii uu dowladda wax ugala qaban lahaa arrimaha Abaaraha oo ay u dhimanayaan Soomaali badan.
Haddaba dowladda cusub ee Soomaaliya oo uu madaxweynaha u yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bilawday inay inkirto isla markaasna ay wax kama jiraan kasoo qaato tallaabo uu horey u sameeyey madaxweynihii waqtigiisa dhamaaday Xasan Shiikh Maxamuud sanadkii 2014.
Dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud aya magaalada Muqdisho kusoo dhaweysay xoghayihii hore ee qaramada Midoobay Ban Ki-Moon markaas oo uu garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey Wasiirkii Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ee xiligaas Ridwaan Xirsi Maxamed.
Haddaba sidoo kala maanta ayaa waxaa dhacday in xoghayaha cusub ee qaramada midoobay António Guterres si heer sare ah loogu soo dhaweeyo magaalada Muqdisho waxaana soo dhaweeyey guddi heer wasiiro ah sida uu yahay nidaamka.
Xoghayaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey C/Salaan Hadliye oo ah sida sharciga ah wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, waxaana arrintaan ku tilmaamay inay tahay mid cusub oo aan weli Soomaaliya laga arag xubno ka tirsan dowladda Farmaajo.
Arrintaan ayaa waxaa loo arkay buun buunin iyo in la inkirayo tallaabadii uu Xasan Shiikh Maxamuud horey u qaaday sanadkii 2014 markaas oo uu xoghayihii hore ee qaramada Midoobay Ban Kin Moon u diray wasiirkii arrima diinta iyo awqaafta ee xilligaas .
Waxaa ay shaqaalaha madaxweyne Farmaajo sheegeen in ay tahay markii ugu horeeyay ee qof wasiir ah uu garoonka kusoo dhoweeyo xogaye qaramada midoobey leedahay, Laakiin arintaas ayaa ah buun buunin iyo been siyaadeed oo waliba wadata dhaqan xaqiraad ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]