Gaalkacyo (Caasimada Online)- Waxaa hal asbuuc gudahood yeeshay kulamo xasaasi ah madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo taliyayaasha kala duwan ee ciidamada xoogga Soomaaliya kadib markii uu xumaaday amaanka Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa cadaadiskii ugu badnaa saaray taliyayaasha wuxuuna bilaabay inuu ula xisaabtamo qaabkii ugu dambeysay isagoo doonayo inuu xaqiijiyo amaanka magaalada Muqdishi.
Madaxweynaha ayaa su’aalo adag oo kala duwan waydiiyey taliyayaasha sidoo kalana wuxuu ku amray inay soo qabtaan shaqsiyaadka dhibaatada ka geysto Muqdisho sidoo kalana ay gacanta kusoo dhigaa askari ka dambeeyey dilka qof shacabka, waxaana ugu dambeyntii suurta gashay in askarigaas gacanta lagu soo dhigay lana filayo in dhawaan la hor keeno sharciga.
Madaxweynaha ayaa amar buuxa ku siiyey saraakiisha ciidamada iyo taliyayaaasha inay la imaadaan qaab la isku ogyahay oo ay ku xallin karaan amaanka Muqdisho sidoo kalana ay si rasmi ah u qaataan mas’uuliyadda amaanka Muqdisho ama ay xilka iska wareejiyaan.
Arrintaas ayaa keentay inay culeys weyn fuusha saraakiishada waxaana lagu waramayaa inay madaxweynaha dhankiisa ka dalbeyn mushaar joogto ah iyo saad si ay u gutaan waajibkaas, waxayna sababta amni darada ku sheegeyn ciidamada aan helin mushaarkooda.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu qorsheenayo in dhawaan ay ciidamada si rasmi ah bil kasta u qaataan mushaarkooda si loola xisaabtamo wuxuuna saraakiisha ku adkeeyey inay shaqadooda si dhab ah u gutaan.
Cadaadiskaan uu madaxweynaha saaray taliyayaasha iyo sarakiisha dowladda ayaa laga yaabaa inay keento is casilaad maadaama ay shaqadaan tahay mid culus oo ay macqul tahay inaysan kasoo bixi karin.
Maalmaha soo socdo ayaa la filayaa haddii ay saraakiisha go’aansadaan inay shaqadooda u qabtaan sida uu rabo madaxweynaha iyo haddii ay xilkaas iska casilayaan.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

