Muqdisho (Caasimada Online)- Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku dhufatay abaartii ugu weyned ee soo marta sanadihii ugu dambeeyey taasoo keentay in gurmad loogaga dhawaaqo daafaha caalamka iyo guud ahaan Soomaaliya.
Haddaba waxaa soo baxay warar sheegayo in nin u dhashay dalka Pakistan uu muujiyey darenkiisii ugu dambeeyey ee ku aadan abaaraha lixaadka leh ee ku dhuftay dalka Soomaaliya.
Ninkaan Pakistaniga ah ayaa lasoo sheegayaa inuu aad uga xanuunsaday dhibaatada heysato shacabka Soomaaliyeed wuxuuna ka dhawaajiyey inuu usoo duceenayo dadkaas dhibaateysan.
Ninkaan oo hadda ku nool dalka Ingiriiska ayaa soo duubay muuqaal uu kaga hadlayo abaaraha ku dhuftay Soomaliya waxaana ka muuqatay caadifadii ugu dambeysay wuxuuna midaas ku sababeeyey inay tahay maadaama ay isku xiriiriso islaanimada.
Ninkaan reer Pakistaan ah ayaa ka dhawaajiyey inuu Alle dartiis u soomay si uu Soomaalida uga saaro abaaraha iyo dhibaatada ku habsatay wuxuuna ku duceeyey inuu Alle ka saaro xaaladda adage ee heysato Soomaaliya.
Ugu dambeyntii ninkaan ayaa ballan qaaday inuu wadi doono soonka iyo sadaqada inta uu Alle ka aqbalayo ducadiisa Soomaaliyana ay abaarta ka bixi doonto wuxuuna hadda wadaa tabarucaad uu u sameenayo dadka Soomaaliyeed ee abaarta saameysay.
Haddaba halkaan hoose ka dhageyso maqalka sheekadaan ku saabsan ninkaan Pakistaaniga ah ee Soomaaliya inuu Alle ka abaarta ka saaro u soomay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]