Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan shalay warbixinadeena idinkula wadaagnay waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray Faarax Macalin oo ah siyaasi ka tirsan mucaaradka dalka Kenya, waxayna sheegayaan warar soo baxayo inuu xusul duub ugu jiro sidii wasiiro loo siin lahaa shaqsiyaad uu isaga jecel yahay.
Haddaba Faarax Macalin ayaa shalay kulan la qaatay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya wuxuuna kala hadlay qaabka ay noqon doonaan wasiirada cusub isagoo ka codsaday inuu shasiyaad ugu daro liiskaas.
Shaqsiyaadka uu Faarax Maclain Jeebka ku wato ayaa waxay ka tirsan yihiin ururkii Asmara ee aas aasmay sanadkii 2007 markii Ciidamada Itoobiya ay soo galeen Magaalada Muqdisho waxayna sanadkaan doonayaan inay kasoo muuqdaan liiska wasiirada cusub.
Caasimadda Online ayaa soo heshay Liiska shaqsiyaadka uu Faarax Macalin u gudbiyey Ra’isulwasaare Kheyre si ay uga soo muuqdaan.
- Cabdiraxman Kulmiye Xersi
- C/qaadir Xaaji Maxamud Dhaqane
- Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi
- Maxamed Axmed Nuur (Tarsan)
- Dr. Xusseen Cabdi Nunow
- Axmed Xasan Gaboobe (Ugaas Bile)
Haddaba lama ogo sida uu Kheyre u aqbali karo liiska uu Faarax Macalin u gudbiyey isagoo doonayo in ururka Asmara uu saameyn weyn ku yeesho xukuumadda Cusub.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]